Weeraryahanka kooxda Barcelona Nermar Jr ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa kadib markiii maalmihii dambe ay jireen warar ku aadan in uu xidiga ka dhaqaaqayo Kooxda.
Neymar ayaa qalinka ku duugay heshiis 5-sano ah kaasi oo ka dhigan In Barcelona uu sii joogi doono tan iyo sanadka 2021-da.
Xidiga reer Brazil ayaa oo horey u qaadan jirey aduun dhan €200 million ayaa haatan ku dhow in uu Barcelona ka qaato aduun dhan €250m inta ka harsan heshiiskiisa.
Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu oo shirkii Jaraaid ee maanta ka hadlay ayaa cadeeyay heshiiska cusub ee qalin uu ku duugay weeraryahanka kooxda Barcelona Nermar Jr.

