Wasiir Maareeye:- Si Qaldan ayaa Loo Turjumay Siyaasadda Qaranka ee Jandarka+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada soomaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in si qalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen, Kaas oo qeexaya siyaasadda Qaranka ee Jandarka.

Wasiir Maareeye ayaa si qoto dheer kaga hadlay Bayaankii dhawaan ay soo saareen Hay’ada Culumida soomaliyeed kaasi oo ku aadanaa  In wax sharafeecada ka hor imaanaya  uu yahay sharcigii dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaa la yiri wiilasha iyo gabdhaha Somaliyeed meelaha qaarkood boqolkiiba/percentage-ka shacabku qabo ama dareenka shacabku qabo horumariyaan wiilka. Markaa Wasaaradda ku shaqada leh iyo dowladuba waxay go’aamisay in gabdhaha Somaliyeed ay leeyihiin xuquuq lamida kan wiilasha. Meel kasta oo Diinta Islaamka u ogoshahay, sida waxbarashada, caafimaadka, shaqada & shaqaalaha iyo cadaaladda.” Ayuu yiro Wasiir Maareeye oo ka hadlay dadka qaar fikradaha qaba.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here