Wasaaradda Qorsheynta Soomaliya oo Soo Bandhigtay Qorshaha Dowladda ee Saddexda Sanno ee Soo Socota

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya  lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigayey qorshaha dowladda ee saddexda sanno ee soo socota.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Barlamaanka, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaaraha Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Xafiiska Q.M ee Soomaaliya, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaailya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Soomaailya, mudane Cabdullaahi Sheekh Cali,   ayaa ka sheekeeyay   faa’iidada uu leyahay qorsha qaranka oo mudooyinkii ugu dambeeyay lagu howlanaa diyaarintiisa .

Mr Pater oo ah ku xigeenka Ergeyga Xafiiska Qaramada Midoobe  ee Soomaaliya  ayaa sheegay in qaramada Midoobe in si diiran usoo dhaweynayso qaabka loo diyaariyay qorshaha dowladda ee saddexda sannao ee soo socota.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhankooda soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee saddexda sannao ee soo socota waxayna ku amaaneen Wasaaradda Qorsheynta Xukuumada Soomaliya sida ay usoo dhiraan dhirisay Qorshaan islamarkaana ay dowlada soo socota ay bilow u tahay.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo sheegay in Qorshaha Cusub dowladda ee saddexda sannao ee soo socota ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta Soomaailya uu muujinayo in ay la qaatay  dhabihii dowladnimad islamarkaana laga gudbay xiliyadii la dajin jirey biloooyin iyo sanado kooban.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here