Ciidamada Difaaca Dawlada Kenya ayaa sheegay in ay dileen 4 katirsan xarada alshabaab, sidoo kalana ay ka qabsadeen hub kadib dagaal xoogan oo ku dhex maray kooxo hubaysan degaanka Milimani oo u dhow degmada Lamu.
Ciidamadaan ayaa sheegay inay ka qabsadeen kooxda uu dagaalku dhexmaray hub nuucyo kala duwan isugu jira oo uu ka mid yahay qoriga loo yaqaano RPG, bambo gacmeed iyo 4 qori oo nuuca AK47 iyo waxyaaba kale oo qarxa.
Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in kooxda ay dagaalka lagaleen ciidamada Kenya ay ka koobnaayeen 30 dagaalyahano kuwaas oo uu sheegay in ciidamadu ay ka guulaysteen kadib dagaal qaatay mudo 30 daqiiqo ah oo dhexmaray
Afhayeenka u hadlay ciidamada difaaca Kenya Colonel David Obonyo ayaa sheegay in dagaalkaas dhankooda uu uga dhaawacmay hal askari.
Gudoomiyaha degmada Lamu Joseph Kanyiri ayaa sheegay in habeenkii talaada oo dhan laga maqlayay magaalada dhawaaqa rasaasta basle waxa uu sheegay in uu warbixin buuxda kasugayo weli saraakiisha Ciidamada.
.

