Qaramada Midoobe oo Ku Baaqday in La Xushmeeyo Xuquuqda Caruurta Somaaliyeed

0

Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe  ee UNICEF ayaa ku baaqday in loo baahanyhay in la illaaliyo xuquuqda caruurta ku nool wadanka geeska Africa ku yaala ee Somaliya, kaasi oo ansixiyay axdiga xuquuqda Caruurta sanadkii 2015.

Wakiilka UNICEF u qaabilsan Somaliya Jeremy Hopkins ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo sidii loo hirgelinlahaa ahmiyadna loo siinlahaa xuquuqda Caruurta Somaliyeed.

“Caruurta Somaliyeed waxaa laga yaabaa in ay ku noolyihiin deegaano aan laga helikarin waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah, xerooyin barakac, sidoo kale waxaa ay ku jiraan qaarkooda dadka qaba baahiya gaarka ah, kuwo kalana waxa ay kasoo jeedaan qoysaska laga tirade badanyahay” sidaasna waxaa yiri Jeremy Hopkins.

UNICEF ayaa sheegtay in ay usoo jeedinayso qofkasta oo wadanka ku sugan,Dawlada,Bulshada Rayadka,deeqbixiyayaasha,Hogaamiyayaasha bulshada,Aabayaasha iyo Hooyooyinka in ay mideeyaan dadaalkooda sidii wax loogu qabanlahaa caruurta taagtadaran iyo kuwa ku nool degaanada fog fog

Ugu dambayntii warbixintaan ayaa waxaa ay tilmaamaysaa in wax loo qabto caruurta danyarta ah in ay keeni karto faa iidooyin mustaqbalka dambe ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here