Nabadoon Maxamed Cabdi Raaxow:- “Uma Dul Qaadan Doono Faragalinta Dowlada Soomaliya”+Dhageyso

0

Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa ku Dhawaaqay inaysan u Dul qaadan doonin Fara galin ka dhan ah Bulshada Reer Hiiraan oo ay sheegeen inay ku heyso Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa Madaxda ugu sareysa Dowlada Dhexe oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay ku Eedeeyeen inay Caqabad ku yihiin Dadka Daga Gobalka Hiiraan isla-markaana Dowladu ay hor taagan tahay Maslaxada iyo midnimada ummada Gobalkaasi.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu eedeeyeey in uu wado qorshe uu ku Afduubanayo Hogaanka Duubabka iyo Dhaqanka Hiiraan u matalaya Arimaha Doorashooyinka gaar ahaa Ergada Soo Xulaysa Xildhibaanada Cusub ee dalku uu yeelanayo daba yaaqada Sanadkaan 2016 Isla-markaana soo Magacowday Ugaas u gaar ah oo Madaxweynuhu uu caleema saartay sida ay sheegeen Odayaasha Gobalka Hiiraan.

Nabadoon Maxamed Cabdi Raaxow oo la hadlay Idaacada Simba ee muqdisho ayaa sheegay inaysan Bulshada Gobalka Hiiraan u dulqaadan Karin Faragalin Dowlada ay ku heyso Gobalkaasi isla markaana Dadka Reer Hiiraan ay go’aanka ka gaarayaan aayahooda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here