Biya-Qute “Walaahi Waxaan Dilnay 17-Dagaalyahan Ciidamaduna Waxa ay ku Wajahanyihiin Saldhiyo Al-shabaab”

0

Ciidamada Xooga Dalka soomaaliyed oo ay wehliyaan Militariga Dalka Itoobiya  ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa ku Wajahan fariismo Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaan ka tirsan Bariga Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud Cabdi Xasan Biya-Quute oo uu Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Hanjabay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay qaadi doonaan Howlgal ka Dhan ah Al-shabaab oo ay ku la Wareegayaan Deegaanada Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ay hada ka Maamulaan Bariga Galgaduud.

Gudoomiye Biya-Quute ayaa Sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay Duulaan ku yihiin Deegaanka Cows-weyne oo dhaca Bariga Gobalka Galgaduud halkaas oo maalmihii danbe Al-shabaab ay Saldhig Ciidan ay ka sameysteen isla-markaana ay kaga soo Duulaan tagaan Degmada Galcad iyo Deegaanada ku xeeran oo uu ka mid yahay deegaanka Ceel-Hareeri.

Cabdi Xasan Biya-Quute oo sii hadlayey ayaa Al-shabaab ku Eedeeyey inay isgaarsiiintii ka jareen Deegaanada ay xiisatu ka taagan tahay ee Bariga Galgaduud taas oo uu sheegay inay soo dadajisay Howlgalka Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ka fulinayaan Gobalkaasi

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha degmada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud ayaa Sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ay Guullo la Taaban karo ay ka gaareen Dagaal Shalay Galinkii Danbe ay Al-shabaab ku galeen Deegaanka Ceel-Hareeri oo hoos taga Degamada Galcad waxa uuna Xusay Dagaalkaas ay ku Dileen 17-Dagaalyahan halka ay gacanta ku Dhigeen 3-kale oo ka tirsan Al-shabaab oo Maxaabiis ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here