Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Cambaareeyay Weerarkii Magaalada Istanbul ee Dalka Turky-ga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada  Hassan Sheikh Mohamud, ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Airpot-ka magaalada Istanbul kaasoo lagu dilay laguna dhaawacay dad aan waxba galabsan.

“Xaqiiqadu waxaa ay tahay in argagixisadu ay bartilmaameedsato dad aan dambi lahayn weerarkaan axmaqnimada ah  waxa uu caalamad u yahay in aysan kuwii geystay uusan ku jirin dareen bini aadminimo ayna yihiin kuwo maralka ka dhintay,falkasta oo lagu waxyeelaynayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan waxa ay ujeedadiisu tahay in lagu argagaxgeliyo dadka iyo dawladood guud ahaan”,  ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu aduunka ku booriyay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisa,dawlada Somalia waxaa ay ka shaqaynaysaa sidii ay ula tacaalileheed argagixisada ka jirta gudaha iyo xuduudaha intaba kuwaas oo kusii faafaya Gobolka.argagixisadu waa Qatar caalami ah oo saamaysay muwaadiniinta labada dal Somaliya iyo Turkey-ga.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray hogaanka dalka Turky-ga iyo qoysaskii ay dad koodu ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Garoonka istanbul.

Garabkooda ayaan taaganahay dadka walaaleheena ah iyo dawlada Jamhuuriyada Turky-ga. Waxaan  uga tacsiyaynaynaa  dhibatada ku dhacday si qoto dheerna waan ula wadaagaynaa qasaaraha soo gaaray.

Madaxweyna ayaa sigaar ah waxaa uu tacsi ugu diray qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka dhanteen kuwii ay jeclaayeen kuwaas oo ay saamaysay masiibadii dhacday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here