Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshe ku aadan sidii loogu hortagi lahaa afkaaraha qaldan oo ay kamid tahay xagjirnimada oo Caruurta Soomaliyeed Maskaxdooda lagu shubo.
Madaxweyne Gaas ayaa Tilmaamay in Caruurta Soomaliyeed ay mar walba u nugul yihiin fikradaha qaldan oo kaga imaanaya islaamiyiin waa siduu hadalka u dhigee kuwaasi oo doonaya in Caruurta Soomaliyeed ay ku huriyaan Colaadaha.
“Puntland waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay badbaadiso Mustaqbalka Caruurta Soomaliyeed waxaa jiro kuwa doonaya in ay ku ciyaaraan mustaqbalka sida al-shabaab oo caruur yaryar usoo adeegsday weerarkii bisha March lagu qaaday deegaano ka Tirsan Gobolka Bari ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Hay’adda Caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa ku baaqday dhankeeda in loo baahanyhay in la illaaliyo xuquuqda caruurta ku nool wadanka Geeska Africa ku yaala ee Somaliya, kaasi oo ansixiyay axdiga xuquuqda Caruurta sanadkii 2015.

