Al-shabaab oo Guulo ka Sheegtay Dagaal ka Dhacay  Degmada Lamu ee Dalka Kenya

0

Xarakalada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay degaanka Milimani oo u dhow degmada Lamu ee dalka Kenya.

Ciidamada Al Shabaab ayaa la sheegay in Howlgal gaar ah ay ka fuliyeen  gobolka xeebta ee Lamu ayna barqanimadii maanta weerar kamiin ah u dhigeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayey deegaano ka tirsan jaziirada Lamu.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Milimani oo u dhow degmada Lamu ee dalka Kenya ayay al-shabaab sheegeen in lagu dilay ciidamo kenyaan  islamarkaana loogu gubay gaadiid dagaal waa sida loo dhigee.

Idaacadda Andalus ee Afka xarakada Al Shabaab ku hadashada ayaa sheegtay in ciidamadii weerarka qaaday ay dib ugusoo laabteen halkii ay ka duullaan tageen iyagoo nabad qaba oo soo guuleystay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here