Inta la xaqiijiyay 50-ruux ayaa ku dhimatay 147-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii 3-qarax oo ismiidaamin ahaa lagu weeraray Garoonka Caalamiga ah Ataturk ee Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.
Qaraxayada ayaa la sheegay in ay fuliyeen labo nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa inta aysan isqarxin ayaa la sheegay in bambaanooyin ay ku tuureen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Garoonka, ka hor intii aysan is qarxin.
Rasaas xoogan ayaa saacado badan ka socotay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Istabulka waxaa jiray ruux isu qarxiyay goobta gawaarida la dhigto ee Garoonka Caalamiga ah Ataturk ee Magaalada Istanbul.
Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah Ataturk ee Magaalada Istanbul, wuxuuna tilmaamay in ay dowlada ka jawaabi doonto.
Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkaan.

Pictures supposedly from Istanbul airport
From social media, sources unknown




























