Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaliya oo Lagu Dilay Degmada Shangaani

0

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas lagu dilay Mas’uul  ka Tirsanaa Dowlada Soomaliya.

Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaliya  C/risaaq Cali Caanood ayaa la xaqiijiyay in caawa Maqribkii lagu dhex toogtay xafiiska wasaaradda  oo ku yaala Gudaha degmada Shangaani.

Dilka Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaliya   ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay mid kamid ah ilaaladiisa oo markiii dambe goobta baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Dowlada soomaliya kuwaasi oo wali baadi-goobaya askarigii ka dambeeyay dilka Agaasimihii Wasaaradda Gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaliya Ala Ha U Naxariistee  C/risaaq Cali Caanood.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here