Diyaarad Drone ah oo kusoo Dhacday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya Deegaanka Balidul Amiin oo hoostagga Degmada Awdheegle ay kuso dhacday diyaarad Drone ah.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha waxa ay ka sheegeen bur burka Diyaaradaasi Drone-ka ah inay gacanta ku hayaan oo ay soo bandhigi doonaan saxaafada waa sida ay hadal u dhigeen.

Deegaanka Balidul Amiin oo hoostagga Degmada Awdheegle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka arimiya Maamulka Xarakada Al-shabaab waxaana marar Hore kusoo dhacay diyaarad kuwa Drone ah.

Diyaaradaha Drone-ka ayaa inta badan waxaa isticmaala Dowlada Mareykanka, laakiin lama oga diyaaradan dalka laga leeyahay, inkastoo Mas’uuliyiin ka Tirsan al-shabaab ay sheegeen in laga leeyahay wadamada reer Galbeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here