Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa warsaxaafadeed kasoo soo saaray Doorashada dalka Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Warsaxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Sheikh axmed Shaakir Cali xasan qodobada loogu hadlay waxa kamid ahaa qodobadii kasoo baxay shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ee loogu hadlaayay Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Sidoo kale qodobada loogu hadlay Warsaxaafadeedka Ahlusuna waxaa kamid ahaa In aan lagu qaban Karin meelaha uu ka arimiyo maamulka Gobolada dhexe shirar loogu hadlaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.


