Aaska Wasiiru Dowlihi Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka oo Dib Loo Dhigay

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo  la hadlay wakaalada wararka Soomaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in dib loo dhigay Aaska Alla ha u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza, oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo kamid ahaa Marxuumiintii ku geeriyooday Weerarkii Hoteelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in maalinta Talaadada ah  salaada Janaasada lagu tukan doono marxuumka  islamarkaana aas qaran loo sameyn doono ala ha u naxariistee Burci Maxamed Xamza, oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka.

“Shalay ayaa lagu waday in la aaso wasiirka balse qaar kamid ah eheladiisa oo ku maqan dalka dibadii oo haatan kusoo wajahan Muqdisho ayaa dalbaday in dib loo dhigo aaska si ay ugu qeyb galaan ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,

Warar ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho heshay ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah Xildhibaanada  ehel wadaaga ay yihiin Marxuumka ay ku doodeen in  Burci Maxamed Xamza lagu aaso degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose wallow ay arintaan ku gacan saareen Madaxda Dowlada Soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here