Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Baydhabo ku soo gabagabeeyay shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo gabagabeeyay shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee ay ku mideysan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirkan socday 22-25 June, ayaa hambalyo u diray madasha, isagoo sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo sameyn lahaa horumar siyaasadeed, iyadoo aanay wax khilaaf ah jirin.

“Waxaan si qota dheer uga doodnay hannaanka doorashada dadban ee sannadka 2016. Waxaan haatan soo gaarney heer aan go’aamo uga gaarno qeexidda hawlaha ay qaban doonaan guddiyada doorashada iyo in jadwal loo sameeyo doorashada, taasi oo muujineysa inaan ka dhabeyneyno ballanqaadkii ku aaddanaa doorashada. Waxaan halkan ku soo gaarney wadajir iyo iskaashi, iyadoo aaney jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya madaxda ha noqdeen kuwa heer federaal iyo kuwa heer dowlad goboleed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in sannadkan doorashada ay ka dhaceyso caasimadaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, balse hadafka la hiigsanayo uu yahay in sannadka 2020, doorashadu ay noqoto qof iyo cod, laguna baahiyo dhammaan tuulooyinka, degmooyinka iyo gobollada dalka.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha u khudbaddiisa hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , isagoo ugu hambalyeynaya sannad-guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay markii gobollada waqooyi ay ka xoroobeen gumeysigii Britain, isla markaana markii ugu horeysay calan laga taagey ciiddda Soomaaliya.

“Waxaan si gaar ah hambalyadan ugu dirayaa shacabka ku dhaqan gobollada waqooyi. Soomaaliya waxay houmar ku gaari kartaa midnimo, sidaa darted waxaan mar kasta diyaar u nahay inaan qancino walaalaheena gobollada waqooyi si aan midnimadeena u ilaalino. Wan qirayaa inay dhibaatooyin dhaceen, waxaana doonaynaa inaan wixii dhacay xal u raadino, aanna ka wada shaqeyno horumarka dalkeena’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan wanaagga dalka, isla markaana fadliga bisha Ramadaan awgeed ay u duceeyaan wadddanka iyo madaxdiisa si ay ugu najaxaan waajibaadka culus ee saaran.

—————–DHAMMAAD—–—–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here