Al-shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyada Weerarka Hoteel Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho

0

Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii galabta lagu qaaday Hoteel Naasa-hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Warfaafinta Xarakada Al Shabaab ayaa looga hadlay weerarka culus ee lagu qaaday galabta Hoteelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday saraakiil iyo dad dowlada soomaliya la shaqeeya oo ku sugnaa Hoteelka Hoteel Naasa-hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dowlada soomaliya wali kama aysan hadlin weerarka lagu qaaday galabta Hoteel Naasa-hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, hoteelka ayaa kamid ahaa hoteelada ka badbaaday weerarada al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here