Isticmaalka Taleefanada Casriga ah oo Laga Mumnuucay Garoonka Magaalada Hargeysa

0

Maamulka Soomali-lad ayaa soo saaray awaamiir ku aadan  in aysan  Shaqaalaha Garoonka Magaalada Hargeysa isticmaali karin teleefanada casriga ah, ee laga geli karo barraha ay bulshada ku wada xiriirto sida Facebook iyo Twitter.

Mudane Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land  ayaa sheegay in awaamiirtaan ay usoo rogeen si aysan shaqaalaha ugu mashquulin Howlaha ay ka hayaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu ku adkeeyay Shaqaalaha Garoonku inaanay adeegsan teleefanadooda gacanta, xilliga shaqada, maadaama sida uu sheegay ay mamnuuc tahay xilliga shaqada in wax ka baxsan shaqada lagu mashquulo.

“Sababaha aan usoo saarnay awaamiirtaan waa in si weyn loo adkeeyo amaanka Garoonka  Diyaaradaha Magaalada Hargeysa oo ah mid aad u mashquul badan waxaa dhici kara in shaqaalaha iyagoo ku mashquulsan Taleefanadooda garoonka ay ka dhacaan falal amniga lidi ku ah ayuu yiri Cumar Sheekh Maxamed Faarax,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here