Dowlada Kenya oo Sheegtay in Xeritaanka Xeryaha Dhabdhaab ay Bilaaban Doonaan Bisha July ee Sanadkaan

0

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay xoghayaha  joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya Karanja Kibicho oo shalay oo jimca aheyd ka gadaal markii uu soo xirmay siminaar lasiinayay koox loogu talagay in ay hogaamiso hawlaha dib u celinta Qaxootiga, oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.

“Si dhab ah ayay nooga go’antahay xiritaanka xerada Dhadhaab qorshaha lagu xirayana waxa uu bilaabanayaa July 1,xiligaas oo qaxootiga ugu horeeya dib loogu celindoono dalkooda sidaasna waxaa yiri Karanja Kibicho.

Kibicho ayaa hadalkiisa kusii daray in kastoo dawlada Kenya ay ku dadaalayso sidii ay u aruurin laheyd  dhaqaale gaaraya  $197.5 million oo uu ku kacayo  dhamaanba hanaanka dib u celinta, hadana Kenya kama laaban doonto go’aankii ay ku gaartay in ay ku xirto xeradaas.

Mudane Joseph Irungu, oo ah Gudoomiyaha koox loo tababaray dib u celinta qaxootiga ayaa waxaa uu sheegay in arrintaas ay u dhacayso si bini aadminimo ah ayna kawada shaqaynayaan hay’ada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Dawlada Somaliya ayuu sidoo kale ka dalbaday in ay ka qayb qaadato dib u celinta Qaxootiga ayna u diyaariso meelihii la dejin lahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here