Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Somaaliya Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa Madaxda Sare ee Dowlada Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada Ku Eedeyey inay isku Koobeen Xubnaha Caasimada Muqdisho laga siiyey Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ay yeelanayso Dabayaaqada Sanadkaan 2016.
Mudane Dalxa ayaa Cadaalada daro Fool-xun ku Tilmaamay qaabka loo qeybiyey Qoondada la siiyey Muqdisho waxa uuna sheegay Madaxda Dowlada Federaalka iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada inay Qabaa’ilka ay ka soo jeedaan oo kaliya ay Siiyeen islamarkaan La Xaqirey Beelaha Daga Gobalka Banaadir oo ay ka mid yihiin Jareer-weyne iyo Beelaha laga tirada badan yahay.
“Hogaamiyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Gobaleedyadu waxa ay Xaqireen Dadka ugu Badan Gobalka Banaadir, Beelaha laga tagay oo Cadaalada Darada lugu Sameeyey waxaa ka mid ah Jareer-weyne, Daqliga Dowlada Soomaaliya ay ka Hesho Gobalada Banaadir,Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, iyo Baay iyo Bakool waa dadka leh sidaas darteed waa cad Cadaalada darada iyo Eexashada ay Sameeyeen Xubnaha la Magac Baxay Madasha Wadatashiga Qaranka” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa oo sii hadlayey ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya inay Soo Faragaliyeen Mussuq-maasuqa ay Sameeyeen Madaxda Dowlada Federaalka oo uu ku tilaamay inay Dhismihii Qaranka Soomaaliya ay u badaleen Qaab Qabiil.
Hogaanka Madasha wadatashiga qaranka ayaa maalimihii danbe ku muransanaa Maqaamka gaarka ah ee Caasimada Muqisho taas oo hada u muuqata in laga Heshiiyey

