Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa lugu Eedeyey inay Gacansiinayaan mid ka mid ah Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Deegaano dhaca Koonfurta Gobalka Mudug oo uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug.
Ciidamadaan oo Maamulka Galmudug uu Diray Deegaanka Khayrado ee Gobalka Mudug si ay u kala Dhex-galeen Labo Malayshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Deegaanka Bacadweyne oo dhaca koofurta Gobalka Mudugiyo Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud kuwaasi oo maalmihii danbe ku dagaalamayey Deegaanka Khaydaro oo ka tirsan Xaduuda ay wadaagaan Galgaduud iyo Mudug ayaa la sheegay inay garab siinayaan midka mid ah Malayshiyaadka Halkaas ku Dagaalamay.
Nabadoon Xasan Cali Axmed oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Dirirtu ay u dhexayso oo la hadalay Idacaada Simba ee Muqdisho ayaa Nasiib daro ku tilmaamay Tilaabada ay qaadeen Ciidamada Maamulka Galmudug ee ka Howlgala Deegaanada Xiisadu ay ka jirto ee dhaca Xaduuda Mudug iyo Galgaduud.
Maamulka Galmudug ayaa Maalin ka hor Ciidamo iskugu jira Daraawiish iyo Boolis waxa uu u diray Deegaanka Khayrado kuwaasi oo loo xilsaaray inay Dhex-dhexaadiyaan Beelaha Colaadu ay ka dhexeyso.
Saraakiisha Ciidamadaasi Howgaaminaya oo aan xiriir la Sameynay Waxa ay ka Cududaarteen inay Wax Faah-faahin ah ka bixiyaan Eedaha Waxgaradka Gobalka Mudug ay u soo jeediyeen ee ah inay Garab siinayaan Malayshiyaadka Deegaanka Khaydaro.

