Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa maanta kulamo la qaatay dhigiisa dalka Kenya Raychelle Awour Omamo.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.
Kulanka kadib Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhigiisa dalka Kenya ay isku afgarteen sidii loosii wadi lagaa la dagaalanka waxa looogu yeero argagaxisada.
“ Waxaan uga mahadnaqayaa Dawladda Kenya oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka Amisom taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Wasiir Diini.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Awour Omamo ayaa tilmaamay in dowlada Kenya ay sii xoojin doonto dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

