Wafdi ka Socda Urur Goboleedka IGAD oo Kulamo La Qaatay Odoyaasha Gobolka Hiiraan

0

Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD  iyo dowlada Ethopia ayaa maanta Gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa Hogaamiyay Wafdiga Deniraha Urur Goboleedka IGad Maxamed cabdi afey waxaana Garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madaxada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulan Saacado qaatay ayey Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan  kula  yeesheen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyagoona kala hadlay Arimaha Dhismaha Maamul ay yeeshaan Gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Danjire Maxamed Cabid Afey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka ay Ugaas Xasan la yeesheen uga wada hadleen dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Dhawaan ayay aheyd markii ay soo baxeyn warar ku aadan in habsami u socodka shirka Mamaul U sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe lagu wareejiyay Urur Goboleedka IGAD.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here