Weeraryahanka xulka dalka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa cadeeyay in uu ka fariisan doono ciyaarayaha Caalamiga kadib Uero 2016.
Xulka dalka Sweden ayaa la dheeli doono xulka dalka Belgium waana kulankii ugu dambeeyay ee xulka dalka Sweden uu matali doono weeraryahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic.
Isagoo maanta la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay Zlatan Ibrahimovic “kani waa kulankayga ugu dambeeyay ee aan u ciyaaro xulka dalka Sweden kama qeyb qaadan doono ciyaaraha Olympics” Ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.

