Dagaal Qasaaro Geystay oo ka Dhacay Deegaanka Kulbiyoow ee Gobbolka Jubbada Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya tuulada  Hoolaa Wajeer oo 30KM dhanka koonfurta uga beegan deegaanka Kulbiyoow ee Gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Juba-land oo gacan ka helaya Kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay Saddex Qof oo ku Geeriyootay oo dhamaan ahaa ciidamadii ku dagaalamay deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland ee aagga xuduudda Muxumed Axmed Xirsi (Sheekeeye) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada Al-shabaab balse ay iska caabiyeen dhankooda.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Al-shabaab oo aad u fara badan ayaa maanta soo buux dhaafiyay degmooyinka   Afmadow iyo  Dhoobley ee Gobbolka Jubbada Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here