Siyaasiga Daahir Ciiro oo Ka Hadlay Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa+Dhageyso

0

Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (Daahir Ciiro) oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenka C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey.

Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa tilmaamay in Labada Mas’uul ay isku hayaan arinta aqalka sare ee xubnaha laga siiyay Maamulka Puntland in Madaxweyne Gaas uu doonayo in uu xubno badan ku yeeshto Aqalka sare.

“Hadii Mooshin ay adeegsadaan Labada Mas’uul Labadaba waa Dambiilayaal dambi weyn ka galay Puntland iyo Shacabkeeda ayuu Yiri Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (Daahir Ciiro).

Hadalka kasoo yeeray Siyaasiga Daahir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (Daahir Ciiro) ayaa kusoo beegmaya xili ay soo ifba baxayaan wararka ku aadan khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here