Maanta oo Tariikhda ay ku beegan Tahay 20-June dunida waxaa lagu qabtaa Munaasabado loogu Dabaaldagayo maalinta Qaxootiga Dunida oo maanta ku beegan.
Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay Dowlada Soomaliya Soomaliya oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Labada Golle ee dowlada Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Somaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo Munaasabadaasi kadib Wariyaasha kula hadlay Magaalada Muqdisho Ayaa sheegay in maanta ay maalin madoow u tahay Dhamaan Soomaalida waxaana uu sheegay in Soomaalida ay dhibaatooyin kala duwan ay ka heeystaan Daafaha Dunida.
Dhanka kale Mar wax laga weydiiyay Arimaha Qaxootiga Yeminiinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka arimaha Dibada Somaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar uu Sheegay in ay Dareemayaan Dhibaatada Heysata Qaxootiga Yamaniinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Maanta Waxaaa Dunida looga dabaaldagayaa Maalinta Qaxootiga Dunida Sanad Walba Maanta oo kale ayaana laga xusaa Wadanka Somaliya , Somalia ayaa waxa ay kaalamaha hore kaga jirtaa Dadwooyga ugu badan ee Qaxootiga ah .

