Dowlada Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaheeda Drone ay ka fuliyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Hogaamiyaasha Al-shabaab oo ku yaala Koonfurta dalka Soomaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Afartii Duqeyn ee u dambeysay oo Mareykanka uu ka fuliyo gudaha Somaliya kuwaasi oo dhacay Bishii May, in lagu bartilmaameedsaday Saraakiil muhiim u aheyd Shabaab.
Saraakiisha Shabaabka laga dilay ayaa kala ahaa Macalin Daa’ud oo dhanka Gaashaandhiga Shabaab u qaabilsanaa iyo Sheekh Maxamed Maxamuud Cali “Dulyadeyn” labadan Sarkaal waxa ay ahaayeen Saraakiil muhiim ah,
Warka kasoo baxay sidoo kale Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ee lagu dilay Hogaamiyaasha al-shabaab in ay noqon karaan kuwa dhabar jab ku noqda jiritaanka Xarakada Al-shabaab.

