Wafdi ka Socda IGAD iyo Xukuumada Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaalada Jowhar

0

Waxaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ku wajahan Wafdi Caalami ah oo ka socda Urur Goboleedka  IGAD iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa ujeedka ay u tagayaan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu yahay inay u kuurgalaan Shirka Maamul u sameyta Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kaasi oo Mudooyinkii dambe Gogashiisu ay taalay Magaalada Jowhar.

Waxaa la filayaa  in ay Kormeeraan goobaha uu shirka ka socdo iyagoo kulamo la qaadan doona Ergooyinka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nabadoon  Iidow Dhaga-weyne oo ka mid ah Ergada Shirka Magaalada Jowhar ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyey inay Magaalada soo gaari doonaan Wafuud ka imaanaysa Urur Gobaleedka IGAD isla-markaana  ay kormeeri doonaan hanaanka Geedi socodka Maamul u sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhxe.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here