Dowladaha Ethopia iyo Eritarea oo ka Hadlay Dagaalka ka Dhacay Xadka labada Dal Ay Wadaagaan

0

Dowlada Eritarea ayaa ku eedeysay Dawlada Ethiopia in ay weerar ku soo qaaday Ciidamadeeda  ku sugan soohdinta  labada dal ay wadaagaan.

Dawlada Ethiopia oo ka hadashay eedeynta   Dawlada Eritrea ayaa sheegtay in aysan ogayn wax dagaal ah oo dhacay oo ay ku lug leeyihiin Ciidamadeeda jooga xaduuda ay la wadaagaan dalka  Eritarea.

Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay degaanka Tsorona oo dhaca xadka labada dal, dadka deegaanka ku sugan ayaa sheegay in ay maqleen rasaas islmarkaana ay arkayeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda xuduuda u dhaxaysa labada dal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here