Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM oo Maanta La Wareegay Deegaan Hoos Yimaada Baardheere

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa amisom in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jungal oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Sarkaal lagu magacaabo Shukri C/laahi Xuseen oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Degmada Baardheere Gobolka Gedo oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom in ay la wareegeen deegaanka kadib markii ay ka baxeyn Xarakada Al-shabaab.

Mudane Shukri C/laahi Xuseen waxa uu tilmaamay kadib markii ay xog  ka haleen Hay’ada Amniga dowlada soomaliya kadib ay ku bexeyn deegaanka islamarkaana Al-shabaab oo watay 10-gaadiiid oo kuwa dagaalka ah ay ka baxeyn deeegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here