Ciidamada Miino Baarista Booliska Soomaliya oo Qarxiyay Miino Lagu aasay Laamiga Warshadaha

0

Ciidamada Miino baarista Booliska Dowlada Soomaliya ayaa ku guuleystay in ay qarxiyaan miino lagu aasay dhinaca Laamiga Warshadaha gaar ahaan Agagaarka Warshaddi Birta.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay kusoo wargaliyeen Maamulka  Degmada Deyniile in ay miino ku arkeen Laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Warshaddi Birta, islamarkaana uu maamulka ku wargaliyay ciidamada miino Baarista Booliska Dowlada Soomaliya.

Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ,ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku guuleesteen fashilinta Miinada lagu aasay  laamiga dhinaciisa, islamarkaana ay ku wargaliyeen Ciidamada miino barista Dowlada soomaliya arintaas.

“Ujeedka miinada loogu  aasay  wadada Dhinaceeda waxa ay aheyd in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed balse ciidamada miino barista Booliska soomaliya iyo maamulka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in lasoo saaro miinada ayuu yiri” Gudoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here