Isku dhac u dhaxeeyay Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Galmudug ayaa ka dhacay Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga ee Maamulka Galmudug.
Isku dhacaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen ciidanka Millateriga 21-aad oo Mushaar loogu qaybinaayay Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado.
Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay in ay ka caroodeen Mushaarka loo qeybinayay Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ee ku jira Xarunta Kafaalo ee Magaalada Cadaado, iyagoo Ciidamada Galmudug aysan helin wax Mushaar ah mudooyinkii dambe.
Labada Ciidan ayaa isku adeegsaday hubka noocyadii kala duwan waxaa lasoo sheegayaa qasaaro dhimasho iyo dhaawac in uu soo kala gaaray Labadii ciidan ee dagaalamay.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Galmudug ayaa ku baxay arintaas.

