Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Ethopia iyo Al-shabaab oo Haatan ka Socda Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Hiiraan+Dhageyso

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Ethopia iyo kuwa Al-shabaab in uu haatan ka soconayo deegaano hoos yimaada Gobolkaas.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka socda deegaanada Ceel-Cali iyo wabxo oo labada Hoos yimaada Gobolka Hiiraan labada dhinac ayaa isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan sida uu soo sheegayo Wariyaha Magaalada Beledweyne ee Radio Simba C/qaadir Nadaara.

Maamulka Deegaanka Ceel-Cali oo warbaahinta simba la Hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Al-shabaab islamarkaana ay ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Ethopia ay iska caabiyeen waa sida hadalka loo dhigee.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here