Howlgallo Saaka Ka Socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

0

Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa Saaka Howlgallo ka wada Magaaladaasi k dib markii xalay Xiliga afurka lagu dilay AUN Dhudi Yuusuf oo ahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland.

Ciidamada ayaa saaka gaaf wareegaya Goobtii Xalay dilku ka dhacay,waxaana ay baaritaanno ku sameynayaan sida wararka aan ku heleynno guryaha iyo goobaha Ganacsi eek u yaalla halkaasi.

Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyey in howlgalkaan ujeedkiisu yahay gacan kusoo dhigidda ruuxii ka dambeeyey dilka Haweeneyda la dilay ee Madaxda k ahayd Ururka Haweenka Gobolka Mudug.

waxaana ay Masuuliyiintu sheegeen in ay ku raadjoogaan dad bartilmaameed u ah Ciidanka oo la sheegay in kiiska dilka ahi uu lugta la galay haddana ciidanku ay baadigoobayaan dadkaasi iyo cid kasta oo ku lug yeelata falka lagu dilay Dhudi Yuusuf oo ahayd guddoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Woqooyi ee uu ka arimiyo Maamulka Puntland ayaa waxaa dhawr mar ka dhacay falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo lagu qaado Xarumo Maamul iyo Ciidan oo ku yaalla Magaaladaasi taasi oo ay barbar socdaan dilal loo geysanayo dadka Waxgalka u ah Bulshada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here