Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Xukuumada Soomaliya ayaa ka hadlay weeerarkii Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Amisom ay ku lahaayeen deeegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee saakay subixii hore ay Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in weerarkii saakay lagu dilay in ka badan 120 dagaal yahan, laguna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jirey qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.
Dhanka kale Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay Weerarka ayaa sheegtay in dhankooda ay ka dhinteen 16-askari balse ay dhanka Ciidamada Ethopia ay ka dileen 43-askari oo saldhiga Halgan ku sugnaa.

