Kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa xiligaan ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, sida maanta lagu daabacay Majalada The Daily Star.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Gabon ayaa xili ciyaareedkaan kooxdiisa dalka Germany u dhaliyay 36-goal 45-kulan uu kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan wuxuuna kooxdiisa ku hogaamiyay kaalinta 2-aad ee kala sareynta Horyaalka dalka germany.
Labada Manchester ayaa xidigaan ku baadi-goobaya aduun dhan £65 million

