Madaxweynaha dalka Turky-ga Reccep Dayib Erdogan oo maanta booqasho hal Maalin ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa sheegay in dowlada Turky-ga ay Soomaliya ka caawin doonto dhinacyada Amaanka, Caafimaadka, waxbarashada iyo Warbaahinta.
Mudane Reccep Dayib Erdogan ayaa sheegay in Dowlada Turky-ga ay haatan bilowday dhisamaha xarun lagu tababaraayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si loogu maarmo Ciidamo shisheeye oo ka qeyb qaata Nabad soo Celinta Soomaliya.
Madaxweynaha dalka Turky-ga oo ka hadlay dhinaca amniga ayaa Tilmaamay in Amaan Xumida ay wali ka jirto Caalamka, wuxuuna tacsi u direy Eheladii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii dhawaan ka dhacay Hoteelka Ambassador ee Gudaha Magaalada Muqdisho.
“Dowlada Turky-ga waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay Soomaliya ka caawiso dhinacyada Amaanka, Caafimaadka, waxbarashada iyo Warbaahinta. shacab Turky-ga waxa ay mar walba garab taagan yihiin shacabka Soomaliyeed, waxaan Soomaliya imid iyadoo ay dalka Abaaro ka jireen haatan waa laga soo kabsaday Arintaas ayuu yiri Reccep Dayib Erdogan”.
Sidoo kale Madaxweyanaha dalka Turky-ga Reccep Dayib Erdogan ayaa sheegay in dowlada Turky-ga ay dhisi doonto Xarunta uu ku shaqeyn doono Baarlamanka Cusub ee dalka uu yeelan doono kadib Doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya Sanadkaan 2016-ka.
Madaxweynaha Turky-ga Reccep Dayib Erdogan iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo si qurux badan loo sii sogootiyay .

