Ciidamo kawada Tirsan kuwa Milatariga Dowlada Soomaliya ayaa galabta ku dagaalamay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga ay Gadood sameeyeen waxaa Magaalada Sidoo kale soo galay Ciidamo kaloo ka tirsan kuwa Milatariga taasi oo keentay in ay isku dhacaan Labada Ciidan.
Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cabdulle Macaan Adeeroow oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka iyo qasaaraha uu dhaliyay.
Halkaan Hoose ka Dhageyso

