Dhageyso:- Faah-faahin ku Saabsan Qaraxa ka Dhacay Ambassador Hotel

0

Xoogag hubeysan oo lagu tuhmayo  in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, ayaa gabal dhicii galabta weerar abaabulan ku qaaday Dhismaha Hotelka Ambassador, oo ku yaala wadada muhiimka ah  ee Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa  laga soo buuxiyay, ayaa lagu jebiyay albaabka laga galo Hotelkaasi, ka dibna waxaa la xaqiijiyey in xoogag hubaysan ay  gudaha ugaleen Hotelka.

Ciidama Dowladda Ka tirsan ayaa Gurmad ahaan u gaaray Goobta oo looga shakisanyahay in ay ku jiraan qaar ka mida kooxihii Weerarka fuliyey.

Waxaa lagusoo Waramayaa in Goobta qaraxa uu ka dhacay xilligii wax dhacayeen ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan kuwaasi oo isugu jiray dad ku shaaxayey Maqaaxiyo iyo Hotello ku yaalla halkaa iyo waliba dad gaadiid iyo lugba ku marayey agagaarka Hotellka Weerarku ka dhacay.

Illaa hadda Waxaa la xaqiijiyey dhaawaca dad kor u dhaafaya 10-ruux iyadoona wali meelaha qaar laga soo saarayo dhaawacyo iyo maydad hor leh,Waxaana lagu waramayaa in sidoo kale ay dumeen qaar ka mid ah dhismayaasha ka ag dhaw goobta ay wax ka dhaceen kuwaasi oo la dumay xoogga qaraxa uu sameeyey.

Mid ka mid ah dadkii ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa idaacada simba kaga warbixiyay  sida ay wax u dhaceen isagoo sheegay in ay jiraan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay goobtaas uu qaraxu ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here