Danjire Francisco Madeira oo Booqday Xarunta Dhaqancelinta Dhalinyarada ka Soo Baxday Xarakada  Al shabaab+Sawirro

0

Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday xarunta hay’adda Dhaqancelinta Dhalinyarada ka soo baxday Xarakada  Al shabaab.

Booqashada Danjire Francisco Madeira waxaa ku wehlinayay safiirka dalka Burundi u qaabilsan Soomaaliya, Taliyaha Ciidamadda AMISOM iyo saraakiil kale iyagoo la kulmay Madaxda hay’adda Dhaqancelinta Dhalinyarada ka soo baxday Xarakada  Al shabaab.

Ugu Horeyntii Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ururka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa kaga mahadceliyay mas’uuliyada Hay’ada sida ay ugu istaageen dhaqan celinta Dhalinyarada kasoo baxday Al-shabaab isagoo sidoo kale tilmaamay in ay xarunta ka caawin doonaan waxyaabihii ay kaga soo baahdaan.

Dhanka kale Agaasimaha hay’adda Malik Cabdalla ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga Afrika booqashadiisa, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in ururka midowga Afrika iyo dhamaamba beesha caalamka ay ka sugayaan inay ka garab siiyaan sidii dhalinyaradaan loo bari lahaa xirfado ay ku shaqeystaan,

2016528162815 2016528163008 received_1156678931019450-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here