Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in maamulkiisa uu dhawaan la wareegi doono Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo gacanta ay ku hayaan Ciidamada Somali-land.
Mudane Cali Khaliif Galeyr oo shalay Furey Kalfadhiga Afaraad ee Mudanayaasha Baarlamanka Khaatumo State oo shalay ka Furmay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheere oo xarun u ah maamulka, ayaa tilmaamay in kalfadhiga 5-aad uu ka furmi doono Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo kamid ah meelaha ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Soomali-land.
Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada Khaatumo ay la wareegeen deegaano ku dhow Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo haatan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maamulka Soomali-land.

