Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose ayaa Tilmaamaya in labo carruur ay geeriyootay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii carruurtaasi ay ku qaraxday Miino ay ku Ciyaarayeen.
Labada Caruur ayaa waxyaabaha qarxa ka helay sida la sheegay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ee Gobolka Jubada Hoose.
Dr. Xassan Mursal Muxumed oo ah Agaasimaha isbitaalka degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose oo la gaarsiiyay labada carruurta ee dhaawacmay, ayaa sheegay in xaalada caruurta xiligaan lala taacalayo islamarkaana ay labada kale ay geeriyoodeen.

