Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo siyaasiyiin isugu tanaasula kuna dulqaata duruufaha dalka ka jira oo uu ka mid yahay dagaalka ay dowladdu kula jirto Xarakada Al-shabaab.
Waxaa uu shegay in la iska saaro Cabsida ku aaddan duruufaha jira oo caqabad xooggan ku noqonaysa howlaha dowladda oo u baahan wax qabad iyo dadaal muujin si ay u suuragasho in waxyaabahaasi meesha ay kabaxaan islamarkaana loo helo aqoonsasho wax-qabadka dowladda Soomaaliya ee uu Madaxda ka yahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lagasoo gudbo waxyaabihii horay u dhacay oo qilaafku uu ka mid yihiin Qilaafka,Qiyaanada iyo Kalsooni la.aanta,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay siyaasiyiinta iyo cid walba oo ay k go’do Masiirka dalku in ay muujiyaan dulqaad uu sheegay in lagu gaarayo himilada ah in la helo dowlad soomaaliyeed oo Magac iyo maamuuska dalka kor u qaadda.

