Mudane C/kaamil Macalin Shukri Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumada Soomaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Amniga ayaa ka hadlay jir dil la sheegay in loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii baraha bulshada lasoo dhigay muuqaalo arrintaas muujinaya.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in dowlada ay Guddi u magacawday arinta jirdilka lagu baahiyay baraha bulshada xubno kamid ah ay ka socdaan wasaaradda cadaaladda ay baarayaan suurta galnimada jirdilkaasi la sheegay iyo waxa kajira, islamarkaana natiijada baaritaanka bulshada loosoo bandhigi doono.
“Dowladu Guddi ayey magacawday, waxey gudigaan ka shaqeyn doonaan muuqaalka la baahiyey iyo waxa kajira, wixii baaritaanka kasoo baxa waan la wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeey”ayuu yiri C/kaamil Macalin Shukri.
Dhanka kale C/kaamil Macalin Shukri afhayeenka wasaarada amniga ayaa sheegay in shaqo ka joojin lagu sameeyey saraakiil ka tirsan Hoggaanka dembi barista ee NISA, kuwaas oo falkaan lala xiriiriyey, isagoo xusay in saraakiil kale la magacaabayo inta baaristu socoto.

