Ururka Talibaan oo Magacaabay  Hogaamiye Cusub oo Badelaya Akhaar Masuur+Taariikhdiisa

0

Bayaan ay soo saareen Ururka Talibaan ayaa waxa ay markii ugu horaysay qirteen dilka Masuur oo ahaa hogaamihii Ururka waxayna hogaamiye cusub u doorten Mawlawi Haibatullah Akhundzada.

Afhayeen u hadlay Talibaan ayaa xaqiijeyay geerida Akhtar Mansoor oo ahaa hogaamiyihii kooxda islamarkaana waxa uu cadeeyay in hogaamiyaha cusub loo magacaabay Haibatullah Akhunzada

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Sirajuddin Haqqani iyo Mullah Yaqoob loo magacaabay ku xigeenka hogaamiyaha cusub ee Taliban

Maraykanka ayaa horaantii usbuucaan sheegay in diyaradaha drones-ka ee maraykanku ay dileen   Akhtar Mansuur  xili uu ku sugnaa Gobola Balochistan ee dalka Pakistaan.

Tariikh Kooban

Mawlawi Haibatullah Akhundzada waa Hogaamiyaha Cusub ee Ururka Taliban kadib duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay Hogaamiyhii isaga ka horeeyay Mullah Akhtar Mansour maalintii sabtidii.

Intii u dhaxeysay sanadihii  1966 – 1971 ayuu ku dhashay koonfurta Gobolka Kandahar ee dalka  Afghanistan,  Hogaamiyaha Cusub ee Ururka Taliban Mawlawi Haibatullah Akhundzada.

Wuxuu horaan uu soo noqday Gudoomiyihii Maxkamada Ururka sanadihii ay ka arimin jireen dalalka afghanistaan iyo Pakistaan.

Sirajuddin Haqqani waa ku-xigeenkiisa kowaad halka wiilkii uu dhalay Hogaamiyihii ururka Taliban ee la dilay Mullah Omar uu noqon doono ku-xigeenkiisa Labaad waxaa lagu magacaabaa Mullah Yaqub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here