Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali Xirsi Barre Cali(Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Booliska Soomaliyeed.
Mudane Cali Xirsi Barre Cali(Cali Gaab) ayaa tilmaamay in aysan jirin shaqsiyaad uu shaqadiisa kaga tagay iyo cid uu dacwada ka yahay balse uu go’aansaday in uu iska casilo xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.
Wuxuu tilmaamay Taliye Cali Gaab go’aan shaqsiyadeed inuu uga tagay Shaqada Booliska Gobolka Banaadir, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la sii shaqeeyo Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Dhanka Nabadgelyada.
Sanadkii hore ee 2015-kii aynu soo dhaadnay ayay aheyd markii loo magacaabay Xilka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Generaal Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

