Maamulka Gobolka Hiiraan oo Sheegay in ay ka Hortagayaan Dadka Dhaca u Geysta Gar-gaarka Loogu Talagalay Shacabka+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya ayaa sheeegay In ay ka hortagi doonaan cid walba oo isku dayda in ay dhac u geesato gar-gaar Raashin oo la sheegay in xukuumada soomaliya ay gaarsiin doonto Magaalada Beledweyne.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka uu diyaar u yahay ku hortagista dadka caadeystay in ay dhaca u geystaan gar-gaar loogu talagalay shacabka masaakiinta ah.

“Ka maamul ahaan waxaan diyaar u nahay in aan ka hortagno cid walba oo isku dayaysa in ay dhac u geysato gar-gaarka loogu talagalay shacabka uu  sameeyay Fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ayuu Yiri Sheekh Xuseen Cismaan Cali”.

Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa Xukuumada Soomaliya ugu baaqay in ay guddi wax ka ogaada sida loo qeybinaayo Gar-gaarka In ay u  soo dirto Magaalada Beledweyne si ay jawaab xukuuumada ugu celiyaan.

Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan wafdi ka socda Xukuumada soomaliya kuwaasi oo  u kuurgali doono xaalada dhabta ee ka jirta Magaalada iyo saameynta  Fatahaada wabiga Shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here