Sida uu qoray maanta Wargeyska the star ee kasoo baxa magaalada Nairobi, Kenya ayaa waxa ay maanta isku dayaysaa in ay ka dhaadhiciso Hogaamiyayaasha maanta ka qayb galaya shirka bini aadanimada looga hadlayo ee ka dhacaya magaalada Istanbul go ‘aankeeda ku aadan xiritaanka Xerada Dhadhaab.
Shirka maanta Turkiga ka furmay ayaa waxaa ka qayb galaya wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyna ku xigeenka dalka Kenya William Ruto,Waxaana uu yahay qorshahooda ugu weyn in ay difaacaan go’aanka ay ku gaartay dawlada Kenya in ay xirto xerada Dhadhaab oo ay ku noolyiin dad lagu qiyaasay nus malyuun qof oo badankood kasoo jeeda dalka Somalia.
Kenya ayaa waxa ay tilmaamtay in shirka ay ka sheegi doonto culayska ay ku qabto xasilinta dalka Somalia oo ay ciidamo ka joogana iyo marti gelinta qaxootiga aadka u faraha badan ee ku jira xerada buux dhaaftay ee ku taala Woqooyi bari dalkaas.
War ka soo baxay madaxtooyada dalka Kenya ayaa sheegaya in aysan Kenya arrintaan wax wada xaajood ah ka geli doonin, islamarkaana aan loo baahnayn kulan dhexmara madaxweynaha Somalia iyo madaxda dalka Kenya si arrintaan wada hadal looga galo.

