Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo labo kamid ah ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax miino uu maanta ka dhacay Xaafada KPP ee degmada Hodan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay Xaafada KPP ee degmada Hodan oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa aysan jirin askar ku dhimatay balse uu dhaawaco gaarayo 4-ruux oo labo kamid ah ay yihiin askartii goobta fariisinka ku sugneed.
Mudane C/fitaax Cumar Xalane afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ayaa tilmaamay in mudooyinka soo socda la weyn doono maqalka qaraxa madaama ay ciidamada amaanka dowlada soomaliya ay beegsanayaan rag ka tirsan Al-shabaab waa siduu hadalka u dhigee.

